Tukashada Maalin Walba
Habka madaxa qoysku uu u barayo qoyskiisu inay u tukadaan subaxdii iyo habeenkii
Tukashada Subixii
Marka aad toosto subixii, samee calaamadda isku talaabta qudduusan adigoo leh:
magaca Aabbaha iyo kan Wiilka iyo kan Ruuxa Quduuska. Aamiin.
Ka dib jilbo joogso ama istaag, oo ku soo celi Towxiidka iyo Tukashadii Rabbiga. Haddii aad doonto waxaad odhan kartaa ducadan gaaban:
Adaan kuu mahadcelinayaa Aabbahayga janada ku jirow, anoo kuu soo maraya Ciise Masiix, Wiilkaaga Qaaliga ah, inaad iga badbaadisay xalay dhib iyo khatar; oo maantana iga ilaali dambi iyo waxkasta oo shar leh, oo waxkastoon sameeyo iyo nolosheeyduba ha ku raali geliyaan adiga. Waxaan ahay magantaada jidhkeeyga iyo nafteeyduba iyo dhammaan waxaygu. Oo malaa’igtaada qudduusani ha ila jirto, si shaydaanka, cadawgeyga ahi uusan awood iigu yeelan aniga. Aamiin.
Markaas adiga oo faraxsan shaqadaada aad, adigoo qasiido qaadaya sida qasiidada Tobanka Amar, ama midii kale ee aad hudisto.
Tukashada Habeenkii
Habeenkii marka aad sariirta aadeyso inta aadan seexan samee calaamada isku tilaabta adigoo leh:
magaca Aabbaha iyo kan Wiilka iyo kan Ruuxa Quduuska. Aamiin.
Ka dib jilbo joogso ama istaag oo ku soo celi Towxiidka iyo Tukashadii Rabbiga. Haddii aad doonto waxaad dhihi kartaa ducadan gaaban:
Adaan kuu mahad-celinayaa Aabbahayga janada ku jiroow, anoo kuu soo maraaya Ciise Masiix, wiilkaaga qaaliga ah; sida raxmada leh ee aad maanta ii dhowrtay; waxaan kaa baryayaa inaad iga cafiso dhamaanba dembiyadayda oo dhan wixii aan qalday, oo caawa si raxmad leh ii dhowr. Eebboow gacmahaaga ayaan nafsadayda, jirkayga, iyo dhammaanba hantidayda la magangalayaa oo malaa’igtaada quduuska ah ha ila jirto, oo yuusan iga guleeysan cadawga shaydaanka ah. Aamiin.
Ka dibna si farxad leh isla markiiba ku seexo.
Habka madaxa qoysku uu u barayo qoyskiisu inay u waydiistaan barako oo ay u mahadnaqaan
Barako waydiisasho
Caruurta iyo dadka kale ee ka tirsan qoysku waxay tegayaan miiska iyagoo qush uucsan, gacmahoy laabayaan, oo odhanayaan:
Wax kasta indhahoodu adigay wax kaa sugayaan, oo quudkoodana waad siisaa wakhtigiisa. Gacantaadaad furtaa, oo waxaad dhergisaa wax kasta oo nool [sabuur 145: 15-16].
Kadibna dhaha Tukashadu Rabbiga iyo ducadan soo socota:
Sayidka Rabbiga ahow Aabbaha janada ku jiroow, na barakee, oo noo barakee deeqdaada hodontinimo iyo wanaagaaga, intaana waxaan kugu weeydisanaynaa magaca Sayidka Ciise Masiix, Rabbigeena. Aamiin.
Mahadnaqid
Ka dib marka ay wax cunaan si xushmad leh ayagoo gacmaha laabaya waxay odhanayaan:
Rabbiga ku mahadnaqa, waayo isagu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisu weligeedba wey sii waartaa kan cunto siiya wax kasta oo nool, waayo wuxuu quud siiyaa xayawaanka, iyo tukayaasha yaryar markay qeyliyaanba, isagu kuma farxo xoogga faraska, oo kuma reyreeyo lugaha dadka, Rabiga wuxuu ku rayreeyaa kuwa isaga ka cabsada iyo kuwa naxariista rajada ka qaba. (Sabuurka 136:1,25; 147:9-11)
Ka dib waxay ku duceeysanayaa Tukashadii Rabbiga iyo ducada soo socota:
Waan kuu mahadcelinaynaa Sayidka Rabbiga ahow, Aabbaha janada ku jirow, dhammaanba faa’iidooyinka aad nagu siisay Sayid Ciise Masiix, Rabigeena, kaasoo nolol iyo boqornimo la wadaaga adiga iyo Ruuxa Quduuska ah, weligeed iyo weligeed. Aamiin.