Qirashada Iimaanka
Waa in madaxa qoysku uu u baro reerkiisa sida ugu fudud
Qodobka Koowaad: Abuurid
Waxaan rumeysanahay Eebbe, Aabbaha Qaadirka ah, ee uumay samada iyo dhulka.
Waa maxay tani micnaheedu? Waxaan rumeysanahay in Eebbe uu aniga iyo khalqiga oo dhan uumay; oo uu i siiyay jirkayga, iyo naftayda, indho, dhago, iyo dhammaanba xubnahayga, caqligayga, iyo dhammaan dareenkayga, welina uu ilaaliyo oo daryeelo. Waxaa kale oo uu i siiyaa dhar, iyo kabo, cunto, iyo cabitaan, guri, iyo hoy, xaas, iyo caruur, dhul, iyo xoolo, iyo dhamaan waxaan haysto. Wuxuu si hodantinimo ah maalin kasta ii siiyaa dhammaan wixii aan ugu baahanahay xayga xafidida u jirkayga iyo nootoshayda. Wuxuu iga difaacaa khatarta oo idil, oo wuu igana ilaaliyaa sharka oo idil. Waxaas oo dhan wuxuu iigu sameeyaa oo keliya wanaagiisa quduuska ah ee Aabbenimo iyo naxariistiisa, anlgoo aan istaahilin, oo aanan anigu kasban. Sidaas darteed, waa igu waajib inaan u mahad naqo, oo aan ammaano, oo u adeego isla markaana addeeco Isaga.
Tanu waa run aad loo hubo.
Qodobka Labaad: Xorayn
Iyo Ciise Masiix, oo ah wiilkiisa madiga ah, Sayidkeenna, oo Ruuxa Quduuska ah laga uureystay, oo uu ka dhashay Maryan oo cadrad ah, oo uu ku hoos silcay Bontiyos Bilatos, oo saliibka lagu qodbay, oo uu geeriyooday lana aasay. Galay cadaabka, oo maalintii saddexaad ka soo sarekacay dhimashadii, loona dheelmiyay samada, oo uu fadhiyo Eebbe midigtiisa, oo ah Aabbaha Qaadirka ah, oo halkaasuu ka imaan doonaa inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.
Waa maxay tan micnaheedu? Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix, oo ah Ilaah run ah, oo ka dhashay Aabbaha daa’inka ah, iyo qof run ah, oo ka dhashay Maryan oo cadrad ah, in uu yahay Rabbigayga, kaasoo aniga i xoreeyay, anoo ahaa qof lumay oo baadiyaysan, oo dhiigiisa qaaliga ah igu baddalay si aan uga guuleeysto denbiyada oo dhan, dhimashada, iyo shaydaanka awoodiisa; taasna kuma aanan helin dahab ama qalin, waxaanse ku helay falhga dhiiggiisa qaaliga ah ee Qudduusan iyo siliciisii iyo dhimashadiisii iina dhintay isagoo aan dambi lahayn, in aan ahaado mulkigiisa, oo aan ku hoos noolaado isaga iyo boqortooyadiisa, oo aan ugu adeego isaga waligay xaqnimo, daacadnimo, iyo barakaysnaan, si la mid ah siduu uga sarakacay dhimashada, ee uu u nool yahay, una boqranaan doono waligii.
Tanu waa run aad loo hubo.
Qodobka saddexaad: Daahirin
Waxaan rumeysanahay Ruuxa Quduuska, kaniisadda Masiixa ee qudduusan, kullanka awliyada, cafiska dembiyada, sarakicida jidhka, iyo nolosha weligeed ah. Aamiin.
Waa maxay tan micnaheedu? Waxaan rumaysnahay in aanan garaadkayga ama awoodayda ku aamini karin Ciise Masiix, Sayidkayga, ama aanan ugu tagin Isaga, laakiinse Ruuxa Qudduusku uu iigu yeedhay xagga Injiilka, indhahana iigu furay hadiyadiisa, uu i daahiriyay, oo igu hanuuniyay iimaanka runta ah. Sidaas oo kalena wuxuu u yeedhaa, kulmiyaa, ifiyaa, oo daahiriyaa dhammaan kaniisadda Masiixiyiinta ee dunida, oo kula mideeyaa Ciise Masiix iimaanka keliya ee runta ah. Oo kaniisaddaa Masiixiyiinta ayuu si hodan ah, oo joogta ah ugu cafiyaa dhammaan dambiyadeyda iyo dhammaan dembiyada muminiinta oo idil. Oo maalinta Qiyaamaha wuu iosoo sarakicin doonaa aniga iyo kuwii dhintay oo idil, oo wuxuu nasiin doonaa aniga iyo inta rumeysan Masiixa nolosha weligeed ah.
Tanu waa run aad loo hubo.