Kaatekiiska Yar ee Luter

Waxaa qoray Dr. Martin Luter

Su’aalo Masiixi ah iyo jawaabahooda

Su’aalo Masiixi ah iyo jawaabahooda

Waxaa diyaariyay Dr. Martin Luter oo ugu talagalay kuwa raba in ay qaataan karaamada

* “Su’aalo Masiixi ah iyo jawaabahooda,” oo uu qoray Martin Luter, waxay markii ugu horaysay ku soo baxeen daabacaad Kaatekiiska Yar sannadkii 1551.

Ka dib qirashada iyo barashada Tobanka Amar, Qirashada Iimaanka, Tukashadii Rabbiga, Karaamada Baabtiiska iyo Cashada Rabbiga, wadaadka kaniisaddu wuxuu weydiin karaa amaba Masiixiyiintu is weydiin karaan su’aalahan:

1. Ma rumeysan tahay inaad tahay dembiile?

Haa, waa rumeysnahay in aan ahay dembiile.

2. Sidee tan ku ogaatay?

Waxaan ka ogaaday Tobanka Amar oo aanan fulin.

3. Miyaad ka xuntahay dembiyadaada?

Haa, anigu waan ka xumahay inaan Ilaahay dembi ka galay.

4. Maxaad Ilaahay kaga mudatay dembiyadaada awaadood?

Cadhadiisa iyo raali ahaansho la’aantiisa, dhimasho iyo cadaab daa’ima.

5. Ma rajaynaysaa in aad badbaadeyso?

Haa, taasi waa rajadeyda.

6. Yaad aaminsan tahay?

Waxaan aaminsanahy Sayidkayga qaaliga ah ee Ciise Masiix.

7. Waa kuma Masiixu?

Waa Wiilka Ilaah Ilaah dhabah iyo qof.

8. Immisa Ilaah ayaa jirta?

Ilaah kaliya ayaa jira. Laakiin waxa jira saddex axad: Aabbaha, Wiilka, iyo Ruuxa Quduuska.

9. Muxuu kuu qabtay Ciise Masiix adiga oo aad ku aamintay?

Wuu ii dhintay, oo dhiiggiisa ayuu iskutallaabta iigu kor daadiyay cafiska dembiyada dartood.

10. Aabuhuna sidoo kale miyuu kuu dhintay?

Iima uusan dhiman. Aabuhu waa Ilaah kaliya sida Ruuxa Quduuska ahu uu isna yahay; laakiin, Wiilku waa Ilaah run ah iyo qof run ah labadaba. Wuuna ii dhintay aniga oo dhiigiisu u ii daadiyay aniga.

11. Sideed tan ku ogaatay?

Waxaan ku ogaaday Injiilka Qudduusan, waxaa kaloon ka ogaaday ereyada sheegaya karaamada, iyo jidhkiisa iyo dhiigiisii nidar ahaan laygu siiyay karaamada.

12. Maxay ahaayeen erayadii lagu billaabayi?

Rabbigeen Ciise Masiix, habeenkii la khatalayay, wuxuu kor u qaaday kibistii, oo kolkuu ku mahadiyay, ayuu jejebiyay oo siiyay xertii isagoo leh: “Tan cuna; waa jidhkaygii, oo idinka dartiin loo bixiyay. Sidan u sameeya inaad igu soo xusuusataan aniga.”

Sidoo kale cashada ka dib wuxuu qaaday koobkii, oo markuu ku mahadnaqay, iyagii siiyay, isagoo leh: “Cabba, dhammaantiin; koobkanu waa axdiga cusub oo ku jira dhiiggayga, kaasoo la idiin daadiyay idinka cafiska dambiyada aawadood. Mar kasta ood cabaysaan sidan sameeya, si aad aniga iigu soo xusuusataan.”

13. Haddaba, adigu ma aaminsan tahay, in dhiiggii iyo jidhkii runta ahaa ee Masiixu ay ku jiraan Karaamada?

Haa, waan aaminsanahay.

14. Taas inaad aaminto maxaa kugu qanciyay?

Waxaa igu qanciyay erayada Masiixa ee odhanaya: Qaata, oo cuna, kanu waa jidhkaygii; ka cabba dhammaantiin, kanu waa dhiigaygii.

15. Maxaynu samaynaynaa marka aynu cunno jidhkiisa oo aynu cabno dhiiggiisa, oo sidaas aynu ku aqbalno baaqiisii?

Waxaynu xusuusanaynaa oo sheegaynaa dhimashadiisii iyo inuu dhiiggiisainoo daadiyay, sida uu inagu barayo marka uu leeyahay: Mar kasta ood cabbaysaan sidan sameeya, si aad iigu soo xusuusataan aniga.

16. Maxay tahay sababta aan u soo xusuusanayno oo u sheegayno dhimashadiisa?

Marka koowaad, si aynu ku barano in aan rumaysanno in uusan jirin noole inaga qancin kara ama inaga bogsiin kara dambiyadeenna. Taas waxaa inoo samayn kara oo kaliya waa Ciise Masiix, oo ah Ilaah run ah iyo qof run ah labadaba. Marka labaad, si aynu kaga argagaxno dambiyadeenna, oo aan u aragno in ay aad u weyn yihiin. Marka saddexaad, si aan farxad iyo raaxo ugu hello Masiixa oo kaliya, oo isaga rumaysadkiisa badbaado ku helno.

17. Maxaa ku booriyay Masiixu inuu inoo dhinto oo uu si buuxda u gudo dambiyadaadii?

Waxaa ku booriyay jacaylka weyn ee u qabo Aabihii iyo aniga iyo dhammaan dambiilayaasha kale, siday ugu Qorautahay Yooxanaa 14; Rooma 5; Galatiya 2 iyo Efesos 5.

18. Ugu dambaystii maxaad u rabtaa inaad qaadato Karaamada?

Waxaan u rabaa waa inaan barto inaa rumaysto in Masiixu, jacaylkiisii weynaa aawadii, uu u dhintay dambiyadayda, iyo in aan sidoo kale isaga ka barto inaan jeclaado Eebbe iyo deriskayga.

19. Maxaa qofka Masiixiga ah ku kalifa oo ku dhiirigaliya inuu si joogto ah u qaato Karaamada?

Marka koowaad, Waxaa nagu dhiirigaliya waa amarka iyo ballanqaadka Masiixa oo ah Sayidkeenna. Marka labaad, waxaa ku kallifa waa baahidiisa, oo ay ku kalifayaan amarka, dhiirigalinta iyo ballanqaadka la siiyay.

20. Laakiin maxaad samayn haddii aadan garanayn baahidaada aad u qabto oo gaajo iyo haraad toona ayasan kuu hayn Karaamada?

Qofka noocaas ah ma jirto talo la siin lahaa oo ka wanaagsan tan: Marka koowaad, waa inuu taabto jidhkiisa bal inuu wali leeyahay jidh iyo dhiig. Dabadeedna waa inuu rumaystaa waxa uu Qorniinku kaga sheegayo Galatiya 5 iyo Rooma 7. Marka labaad, waa inuu hareeraha eego bal inuu wali dunida joogo iyo in kale, oo waa inuu xusuusto inaan dunida laga waayin dambi iyo dhibaato, sida uu Qorniinku ku leeyahay Yooxanaa 15-16 iyo 1Yooxanaa 2 iyo 5.

Marka saddexaad, hareerihiisa run ahaantii waxaa jooga shaydaan, kaasoo ku qalqaaliya been shegiddiisa iyo dilkiisa habeen iyo maalin oo aan nabad u oggolayn sida Qorniinku ku muujiyay isaga Yooxanaa 8 iyo 16; 1 Butros 5; Efesos 6; 2 Timotiyos 2.

Ogoow:

Su’aalahan iyo jawabahanu ma ahan wax sahlan, oo ciyaar ah, laakiin waxaa loo soo qaatay ujeedadii weynayd ee daacadda ahayd ee uu ugu talagalay yar iyo weynba dadaalihii mukhliska ahaa ee Dr. Martin Luter. Qof waliba waa inuu ka taxadaraa oo aad uga fikiraa isagoo weyneynaya; maadaama uu Wali Bawlos ugu qoray Galatiya cutubka lixaad: “Ha qatalmina: Ilaahay laguma jees jeesi karee.”