Kaatekiiska Yar ee Luter

Waxaa qoray Dr. Martin Luter

Karaamada Waaqdhaacinka

Karaamada Waaqdhaacinka

Waa in madaxa qoysku uu u baro reerkiisa sida ugu fudud

Waa maxay karaamada waaqdhaacinku?

Waa dhiiggii iyo jidhkii runta ahaa ee Sayidkeena Ciise Masiix oo ku jira kibista iyo koobka, oo uu inoo bilaabay Ciise Masiix naftiisa in aynu cunno oon cabno.

Xagee tani ku qoran tahay?

Injiilleyaashii barakaysnaa ee Matayos, Markos, Lukos, iyo Wali Bawlos ayaa qoray; Habeenkii la qatalayay Sayidkeena Ciise Masiix ayaa waxa uu qaaday kibis oo markii uu mahad celiyayna inta uu kala jebiyay siiyay xertiisii oo ku yiri “qaata oo cuna, tanu waa jidhkayga, oo laydin siiyay idinka Tan u sameeya in aad igu xusuusataan aniga.”

Sidoo kale hadana wuxuu qaaday koob cashada ka dib, oo markuu mahadceliyay, ayuu siiyay iyaga, isagoo leh, “Cabba dhammaantiin, koobkani waa Axdiga Cusub oo ku jira dhiigayga, oo loo daadiyay idinka dartiin si loogu cafiyo dambiyada, sameeya tan, markaad cabtaanna igu soo xusuusta.”

Waa maxay faa’iidada cunitaanka iyo cabitaankani?

Ereyadan,“laydin siiyay oo laydiin daadiyay idinka dartiin si loogu cafiyo dembiyada” waxay ina tusayaan in la inagu siiyay karamadan dembi dhaafka, nolol, iyo badbaado. Oo halkii dembi dhaaf yimaado waxaa jira nolol iyo badbaado.

Sidee bay cabitaanka iyo cunitaanka jidh ahaaneed u sameeyn karaan waxyaabahan waaweyn oo kale?

Xaqiiqadii ma ahan oo kaliya cabitaanka iyo cunitaanka in ay sameeyan arimahan, laakiin ereyadan halkaan ku qoran; “laydin siiyay oo laydiin daadiyay cafiska danbiyada dartood.” Ereyadan oo ay la socdaan cunitaanka jir ahaaneed iyo cabitaanka ayaa ah muhiimadda ugu weyn ee karaamadan. Qof kastoo u rumeeysta si dhab ah erayadaan wuxuu hellaa fariintooda oo ah “cafiska denbiyada.”

Yaa Mudan oo u qalma karaamadan?

Soomida iyo diyaar garawga jidh ahaaneed ayaa xaqiiqdii ku haboon in loo carbiyo jirka. Laakiin qofkii, imaan ku qaba erayada: “laydin siiyay oo laydiin daadiyay caafiska danbiyada dartood” qofkaasi waa u diyaar garoobay oo waa u qalmaa.

Laakiin qofkii aan rumeysan oo ka shakiya ereyada “laydiin daadiyay cafiska dembiyada dartood” uma qalmo umana diyaar garoobin. Waayo ereyada “iduika” ulajeedadoodu wuxaa weeye in dhammaan qalbuyadu ay si dhab ah u namniaan.