Kaatekiiska Yar ee Luter

Waxaa qoray Dr. Martin Luter

Tobanka Amar

Tobanka Amar

Waa in madaxa qoysku uu u baro reerkiisa sida ugu fudud

Amarka Koowaad

Aniga mooyee waa inaanad Ilaahyo kale yeelan.

Waa maxay tan micnaheedu? Waa inaan uga cabsano, u jeclaano, oo u aaminno Eebbe si ka weyn wax kasta oo kale.

Amarka Labaad

Waa inaanad si xun u adeegsan magaca Rabigaaga Ilaahaaga ah.

Waa maxay tan micnaheedu? Waa inaan ka cabsano, oo jeclaano, Eebbe oo aynaan ku habaarin, ku dhaaranin, fal shaydaameed ugu adeegsan, ka been sheegin ama wax ku sirin magaciisa, laakiin aan magaciisa soo qaadno markasta oo aan dhibtoono, tukaneyno, amaanayno, ama aan mahadinayno.

Amarka Saddexaad

Xusuuso maalinta Sabtida inaad quduus ka dhigto.

Waa maxay taa micnaheedu? Waa inaan Rabbiga ka cabsano, jeclaano, oo aynaan xaqirin wacdinta iyo Eraygiisa, laakiin aan muqadas ka dhigno oo si farxad ku dheehan tahay u maqalno una barano.

Amarka Afraad

Aabbahaa iyo hooyadaa maamuus.

Maxaa tan micnaheedu yahay? Waa inaan ka cabsanno oo jeclaano Rabbiga , oo aynaan aflagaadayn ama ka cadhaysiin waalidkeen iyo dadka madaxda ah ee inaga sareeya, laakiin waa inaan maamuusno oo u adeegno, oo aan adeecno, oo waliba aan jeclaano.

Amarka Shanaad

Waa in aadan qudh goyn.

Tan micnaheedu waa maxay? Waa inaan Rabbiga ka cabsano, oo jeclaano, oo aynaan dhaawac ama dhib ama hagardaamo u geysan jidhka deriskeenna, laakiin aan ku taageerno kuna caawinno wax kastooy u baahan yihiin jidh ahaan.

Amarka Lixaad

Waa inaanad sinaysan.

Waa maxay tan micnaheedu? Waa inaan Rabbiga ka cabsano, oo jeclaano, si aan saafi uga ahaano macsida tan afka iyo tan galmada labadaba, oo waa in ninka iyo naagta isu xaaska ahi ay is jeclaadaan oo is xurmeeyaan.

Amarka Toddobaad

Waa inaanad wax xadin.

Waa maxay tan macaaheedy? Waa inaan Rabbiga ka cabsano, oo jeclaano, oo aynaan qaadan lacagta ama hantida deriskeena ama aynaan ka khaa’imin, laakiin aan ku caawino siday u hagaajin lahaayeen una ilaashan lahaayeen hantidooda iyo dakhligooda.

Amarka Sideedaad

Waa inaanad deriskaaga marag been ah ku furin.

Waa maxay tan micnaheedu? Waa inaan Rabbiga ka cabsano, oo jeclaano, si aynaan deriskeena uga been sheegin, u khiyaamayn, u ceebayn, oo sumcaddiisa wax ugu dhimin, laakiin waa in aan deriskeena difaacnaa, oo aan hadal fiican ka sheegno, oo aan wax walba si naxariis leh uga sheegno.

Amarka Sagaalaad

Waa inaanad damcin guriga deriskaaga.

Maxay tahay tani micnaheedu? Waa inaan ka cabsano, oo jeclaanno Rabbiga, si aynaan u khidadeyn in aan hello ama qaadano dhaxalka deriskeena ama gurigiisa ama aynaan ugu qaadan si been abuur ah oo run loo ekaysiinayo, laakiin waa in aan ku caawino deriskeenna siduu u dhowran lahaa hantidiisa.

Amarka Tobnaad

Waa inaanad damcin xaaska deriskaaga, ama adoonkiisa, ama adoontiisa, ama dibigiisa, ama dameerkiisa, ama waxa deriskaagu leeyahay.

Waa maxay tan micnaheedu? Waa inaan ka cabsano, oo jeclaanno, Rabbigeenna si aynaan u shukaansan ama aynaan u xoogin deriskeenna naagtiisa, shaqaalihiisa, ama xoolihiisa ama aynaan ugu dirin isaga, laakiin waa inaan u sheegnaa oo aan ku waaninaa inay la joogaan oo ay waajibkooda gutaan.

(Qoraalka Amaradan waxaa laga soo qaatay kitaabka Baxniintii 20:3,7,8,12-17.)

Gabagabada Tobanka Amar

Muxuu Eebbe ka yidhi dhammaan Awaamiirta?

Wuxuu leeyahay: “Aniga, oo ah Rabbiga Eebbahaaga ah waxaan ahay Ilaah maseyrow ah, oo u ciqaaba caruurta dembiyadii aabayaashood tan iyo farcanka sadexaad iyo kan afraad ee kuwa aniga I naca laakiin jaceyl ayaan u muujiyaa kumanaan eh kuwa aniga I jecel ee ilaaliya awaamiirteyda.” (Baxniintii 20:5-6)

Waa maxay tani micnaheedu? Eebbe wuxuu ku hanjabay in uu ciqaabi doono dhammaan kuwa jebiya Awaamiirtaas. Sidaa darteed waa inaan ka cabsano, oo aynaan sameyn wax kasta oo ka soo horjeeda awaamiirtaas. Laakiin wuxuu Rabbigu u balan qaadayaa raxmad iyo barako dhammaan kuwa dhowra amarradaas. Haddaba waa inaan jeclaano, oo aammino Rabbiga, oo si farxad leh u fulino waxa uu inagu amray.