Arartii Luter
Aniga oo ah Martin Luter, waxaan leeyahay dhammaan kuwa wacdiya iyo wadaadada Ilaah ka cabsada ee iimaanka lehow; nimco, naxariis iyo nabad ka yimid Rabbigeen Ciise Masiix ha idiin ahaadeen.
Xaaladaha murugada leh ee laga xumaan karo, ee aan dhawaan ku soo arkay markii aan soo booqday kaniisadaha ayaa igu kalifay inaan u qoro kitaabkan yar ee kaatekiiska ee caqiidada Masiixiyada qaabkan kooban ee fudud. Calool-xumo badanaa, waxa aan soo arkayu, Eebbow ii naxariiso: qofka caadiga ah, gaar ahaan kuwa tuulooyinka ku noolu, haba yraatee waxba kama yaqaanaan caqiidada Masiixiyada, oo waliba wadaadada badankoodu waxna ma yaqaanaan, waxna ma bari karaan. Haddana dadka oo dhan waxaa lagu tiriyaa inay Msiixiyiin yihiin oo waa la baabtiisay, oo waxayna qaataan Karaamooyinka Qudduuska ah, iyagoo waliba aan aqoonin Tukashadii Rabbiga, Qirashada Iimaanka, ama Tobonka Amar oo ay u nool yihiin sida xoolo masaakiin ah oo xero ku xaraysan. Hase yeeshee, waxa ay dadkanu xirfad u yeesheen waa sida aayar aayar loogu burburiyo dhammaan xoriyadda Masiixiyada.
Culimooy! Sidee baad Masiix ugu jawaabi doontaan idinkoo dadkii ku sii daayey inay fasahaadaan, isla markaasna aydnaan gudan waajibaadka xafiisyadiina xitaa in yarna? Xukunku idinma qabanayo miyaa! Karaamada hal nooc ayaad u amartaan, waxaadna ku adkaysataan aragtidiinna tan aadanaha ah, mana tixgelisaan in dadku yaqaanaan Tukashadii Rabbiga, Qirashada Iimanka, Tobanka Amar, ama run ahantii wax kastoo erayga Ilaah ku saabsan. Hoog ha idiin ahaado weligiin!
Sidaa daraaddeed, gacaliyayaal, Ilaah dartiis waxaan dhammaantiin kuwiina wadaadada ah iyo wacdiyayaasha idinka baryayaa inaad si daacad ah idinku u qabataan waajibaadkiina, si aad ugu naxariisataan dadka idinku aad maamushaan, oo aad ugu caawisaan inaad bartaan kaatekiiska dadka, gaar ahaan dhalinyarada. Hadaydan wax kale qabanayn, ugu yaraan qaada barnaamijyada iyo jadwalada tusaalaha kitaabka Kaatekiiska, isla markaana ugu kala saara dadka eray eray, sida habka soo socda:
Ugu horaynta, wadaadku ha ka taxadaro baridda Tobanka Amar, Tukashada Rabbiga, Qirashada Iimaanka, Qurbaanka Qudduusan, iyo wixii la mid ah; marka loo eego buugaagta kale iyo hababka kala duwan. Ha baro hab keliya, hana ku ekaado, had iyo jeerna ha isticmaalo oo yuusan baddelin. Dhallinyarta iyo kuwa aan aqoonta lahayn waa in loo baro hal hab oo keliya, haddii kale si fudud bay ugu jahawareerayaani, natiijaduna waxay noqon in ay wixi horay loo baray lumaan. Lama badali karo habka, in kastoo ay rabaan inay horumariyaan.
Aabayaashii Sharafta lahaa si fiican bay tan a fahmeen sidaa daraadeed, waxay caadiyan isticmaali jireen hal hab oo ah Tukashada Rabbiga, Qirashada Iimanka, iyo Tobonka Amar waa inaynu samaynaa waxay sameeyen inagoo bareyna waxay baran jireen dhalinyarada iyo dadka caadiga ah iyadoo aan xitaa hal cod laga badalin isla markaasna waxba lagu darin erayyaddoodi marka ayanu soo xiganeyno sanadba sanadka ka dambeeya.
Hab kasta oo aad rabtid wax ku bar balse, ku adkeyso mar kasta. Hadii, si kastaba ha ahaatee, ay dhacdo inaad wacdineysid dad aqoon leh oo khibrad sare leh waxaad aqoontaada ku muujin kartaa erayo agaasiman si heer sare ah inta aad awoodid, laakiin dhalinyarada ku adkee mid keliya oo aan badalnayn oo joogto ah, ugu horeeyntiina bar dhammaanba Tobanka Amar, Qirashada Iimaanka, Tukashada Rabbiga, iyo wixii la mid ah, sida ay u qoran yihiin, erayba eraygiisa, si ay kaaga daba yidhahdaan oo ay ku xafidaan.
Laakiin kuwa diida inay bartaan, waa in loo sheegaa in ay diidayaan Masiixa, oo aysan isaga kuwiisii ahayn. Loo oggolaan maayo inay qaataan karaamada ama masuul ka noqdaan baabtiiska ama loo oggolaan maayo in ay si xor ah ugu dhaqmaan Masiixiyada waase in dib loogu diro boobka iyo xulafadiisa, haa, xataa ha u noqdaan shaydaanka iyo shaqooyinkiisa xun xun. Intaa waxaa sii dheer walidiintooda iyo kuwa awooda luhu waa inay u diidaan cunada iyo cabitaanka, iyadoo loo sheegayo inuu boqorku waxba ka qabin in laga eryo dadka noocaas ah boqortooyadiisa, iyo wax la mid ah.
Dabcan ma awoodno, iskuna dayi meyno inaan qofnaba ku qasabno iimaanka Masiixiyada. Waxaanse si adag dadka ugu baraarujineynaa iyada, isla markaana ku caawineynaa inay ogaadaan waxa saxda ah iyo waxa khaladka ah bulshada dhexdeeda taas oo ay rabaan in ay ku dhex noolaadaan kuna helaan noloshooda. Qofka raba inuu ku noolaado magaalo caasimad ah kuma raaxaysto wanaageeda waa inuu dhawraa sharciyadeeda hadduusan rumeysneyn iyaga ama hadduu qalbiga khaa’in ka yahay ama uu yahay ma xishoode.
Tan labaad, kadib markay xafidaan kitaabka yar eekaatekiiska, u sharax macnaha si ay u fahmaan waxa ay leeyihiin. Ku celceli adoo isticmaalaya habab isku mid ah oo gaagaaban oo aad dooratay, raac habka aan soo sheegnay oo khuseeysa buugga, adoo wakhti siinaya. Muhiim ma aha inaad waxyaabo badan hal mar bartid, laakiinse midba mar. Kadib markii ay sii fiican u fahmaan micnaha amarka koowaad, ku xiji kan labaad, sidaa hawsha u wad, haddii kale waxba ma xusuusanayaan dadku.
Tan Saddexaad, ka dib markaad sidan u bartid kaatekiiskan yar, iyo waxaad soo qaadataa kaatekiiska weyn oo u adeegso inaan fikir iyo faham ballaadhan ka siiso. Markan si ballaadhan u faahfaahi amar kasta, duco kasta, qayb kasta, adigoo sharax ka bixinaya erayada, isticmaalka, faa’iidada, khasaaraha, khatarta iyo dhibka lagala kulmaayo, taasoo aad ka heli sharaxaad dheeraad ah. Xoog saar gaar ahaan amarada, ama qayb kale oo cayiman ee caqiidada kaatekiiska oo ay dadkaadu dayacaan inta badan. Tusaale ahaan, farsamoyaqaanada, xirfadlayaasha, ganacsatada, beeraleyda iyo shaqaalaha, waa inaan ku adkeysaa amarka todobaad, taaso macnaheedu yahay xatooyada, sababta oo ah dadkaa dhexdooda waxaa ka dhex dhaca daacad daro iyo tuuganimo. Dhallinyarada ah iyo dadka caadiga ah waa inaad ku adkeeysaa amarka afraad adoo ku dhiiri gelinaya inay ahaadan kuwo iimaan leh, oo daacad ah, oo nabadgelyo leh, adoo tusaalooyin badan kasoo qaadanaya Baybalka oo ku saabsan sida uu Ilaahay u ciqaabo ama u barakeeyo dadkan oo kale.
Waa inaad si gaar ah ugu baraarujisaan kuwa amarka leh iyo waalidiintaba inay u maamulaan dhalinyarada si wanaagsan isla markaasna u diraan dugsiyada. Tusa sababta ay tani ugu waajibtay iyaga, una sharaxa inay tani tahay dembi haday ku guul dareystaan inay sameeyaan. Tan inay dayacaanu waxay baabi’inaysaa oo ayna burburinaysaa boqortooyada Ilaah iyo tan dunidaba. Waxayna noqonayaan cadawga ugu xun ee Ilaah iyo dadka labadaba. Aad ugu faahfaahiya oo u muujiya dhibaatada iyo dhaawaca ay geysanayaan haddii aanay caruurta u tababarin wadaadnimo, wacdiyayaal, qorayaal, iyo wixii la mid ah, iyo sida uu llaahay ugu ciqaabi doono iyaga. Waxaa aad looga baahan yahay in lugu wacdiyo waxyaabahan. Waalidiinta iyo kuwa awooda leh ayaa si aan qiyaas lahayn ugu eedaysan haddii aanay fulin arintaan, oo shaydaankuna qorshe aad u xun ayuu ku fekerayaa.
Ugu dambaynta, amar-ku taaglayntii boobku waa dhammaatay, dadkuna ma rabaan inay qaataan Karaamada laakiin way quudhsadaan. Waxaa habboon in lagu guubaabiyo, iyadoo la fahmayo in aanaan qofna ku khasbayn iimaanka ama karaamada, ama aanaan xeer,wakhti iyo meel gaar ah u yeelayn. Waase inaan ku wacdino inay dadku si xor ah u doonaan inay qaataan karaamada oo annagana naga dalbadaan. Tanna waxaan ku samayn karnaa inaan u sheegno in qofkii aan doonin inuu qaato Cashada Rabbiga ugu yaraan afar jeer sannadkii, in loo cabsado in qofkaasi uu quudhsanayo Karaamada oo uusan Masiixiba ahayn, sida uusan Masiixi u ahayn qofkii aan rumaysan ama aan maqlin Injiilku. Waayo Masiixu ma odhan “tan iska daaya” ama “tan quudhsada”, laakiinse uu u yidhi “Tan sameeya, mar kasta oo aad cabaysaan,” iwm. Waxaa la hubaa inuu rabo in tan la sameeyo balse aan la quudhsan. “Tan sameeya” ayuu yidhi.
Qofka aan si weyn u tixigelin Karaamadanu wuxuu la mid yahay inuu leeyahay in uusan dembile ahayn, jidh lahayn, shaydaan lahayn, aduun lahayn, dhimasho lahayn, khatar galayn, cadaab galayn. Taas wuxuu uga jeedaa inuusan waxba ka aaminsanayn kuwan in kastoo ay harqiyeen oo uu yahay xoolaha shaydanka laba jibbaar. Marka loo eego dhinaca kale uma baahna nimco, naxariis, nolol, janno, boqortooyada jannada, Masiix, Ilaah, ama wax wanaagsan. Runtii hadduu ogaan lahaa xumaanta ku jirta isaga iyo sida uu ugu baahan yahay waxyaabaha wanaagsan ee ay leedahay Karaamadu, ma uusan dayaceen Karaamada, oo ka caawin lahayd waxyaabaha xunxun isla markaana u keeni lahayd wanaaga. Looma Baahna inuu sharcigu ku khasbo isaga Karaamada, laakiin waa inuu isagu u soo dagdagaa isagoo u soo ordaya Karaamada, oo kugu cadaadinaya inaad siiso isaga.
Sidaa awgeed, ha u samaynina xeerar iyada, sida uu Boobku sameeyo. Waxaad u sheegtaa oo keliya faa’iidada, baahida, muhiimada, iyo naxaarista ku lammaan Karaamada isla markaana u qeex xumaanta, dhibaatada, iyo khatarta ka iman dayacaadda Karaamada. Dadku way iska imanayaan adiga aan qasbin. Laakinse, hadaysan iman u daa ikhtiyaarkooda, waxaadna u sheegtaa in dhammaanba kuwa aan waxba dareemin oon ka war qabin baahidooda wayn ee ay u qabaan nimcada Ilaah, uu leeyahay shaydaanku. Laakiin haddii aad muran ka dhigto ama aad ku guul-daraysato inaad ku baraarujiso waxyaabahan ama aad xeer khadhaadh kaga dhigto, khaladka adaa iska leh hadday sababtaas u xaqiraan Karaamada. Haddii aad hurudo oo aamusto maxaysan iyaguna u noqonayn kuwo ka caajisa?
Ogaada, wadaadada iyo wacdiyayaashow, adeeggeenna maantu wuu ka duwan yahay markii aan ku hoos jirnay Boobka. Wuxuu noqday mid dhab ah oo badbaado leh. Waxaanay taasi keentay hadda dhib iyo hawl badan, khatar iyo jirabaad badan, oo waxaana intaas u sii dheer iyadoo mahadda iyo abaalgudka dunida laga helayaa uu yar yahay. Laakiinse, Masiixa qudhiisa ayaa abaalgud inoo noqon doona haddii aan si aamin ah ugu hawshoonno. Aabbaha nimcada oo dhamu taas inaan samaynno ha inaga caawiyo. Isaga ammaan iyo mahadu ha ugu ahaadeen xagga Masiixa, Rabbigeenna ah. Aamiin.